Cayaaryahanka reer Ghana Asamoah Gyan ayaa dib loogu soo celiyay xulkiisa isla markaasna uu u safan doono kooxda cayaarta is reeb reebka koobka Qaramada Afrika ee dhici doono sannadka soo socda.
Cayaartan waxay Ghana wada dheeli doona xulka qaranka ee Sierra Leone.
Gyan, oo inta badan goolasha u dhalin jiray xulkiisa, wuxuu dhawaan ka baaqday cayaartii xulka dalka Kenya ay kooxda Ghana kaga badiyeen 1-0.
Asamoah Gyan ayaa ka dheela naadiga Turkiga ee Kayserispor.
Xulka Ghana ayaa marti gelinayaa kooxda Sierra Leone 11-ka bishan, afar maalin kaddib waxay cayaar klae ku dhex mari doontaa magaalada Freetown.



