Arsenal oo ku dhow inay heshiis cusub ka saxiixato xiddig muhiim ah

Mesut Ozil ayaa lagu soo waramayaa inuu ku dhow yahay inuu qandaraas cusub u saxiixo kooxdiisa Arsenal, iyadoo haatan labada dhinac ay ku dhow yihiin inay ka heshiiyaan arrimaha qandaraas kordhinta.

Kubadsameeyaha u dhashay dalka Germany Mesut Ozil wuxuu ku jiraa sannadkii ugu dambeeyey ee qandaraaskiisa Arsenal, laakiin kooxdu waxay fileysaa inay 28 sanno jirkaan sii heysan karto ka dib markii wadahadallo guul leh ay dhexmareen labada dhinac.

Arsenal ayaa haatan usoo bandhigtay Mesut Ozil qandaraas cusub oo uu Isbuucii ku qaadan doono 280 kun oo ginni. Xiddiga asal ahaan u dhashay Turkiga wuxuu doonayaa 350 kun oo ginni oo mushaar ah Todobaadkii.

Laakiin maadaama uusan heysan kooxo badan oo xiiso u qaba saxiixiisa sida Alexis Sanchez oo kale, Mesut Ozil ayey haatan u badan tahay inuu ogolaado saxiixidda qandaraaskaan cusub oo ay Gunners  usoo bandhigtay, sida laga soo xigtay majaladda Daily Mail.