Kooxda Xamaas ee difaacda Shacabka Falastiiniyiinta ah ayaa ku dhawaaqday in madaxa siyaasadda loo magacaabi doono , Yahya Sinwar isagoo beddelaya hoggaamiyihii weerarka Iiraan ka dhacay lagu dilay ee Ismaaciil Haniyeh.
Hadaba Hoos Ka Akhriso Taariikhda Hoggaamiyaha Cusub oo ay yeelaneyso Kooxda Xamaas.
Yahya Sinwar, waxa uu dhashay 1962. Israa’iil ayaa xidhay dhawr jeer oo ay ku xukuntay afar xadhig oo xabsi daa’in ah ka hor inta aan lagu sii dayn heshiis maxaabiis beddelasho ah sannadkii 2011, markii uu ku soo laabtay Qasa , wuxuu loo magacaabay hoggaamiyaha garabka militari Qasaam ee Xamaas , waxaa u xigtay in loo doortay madaxa dhaqdhaqaaqa ee marinka Qasa 2017 iyo mar kale oo dib loo doortay 2021.
Israa’iil ayaa aaminsan inuu yahay ninkii dhisay hawlgalkii daadka Al-Aqsa ee dhacay 7 bishii Oktoobar 7, 2023, kaas oo gaystay khasaare nafeed iyo mid militeriba, isla markaana gilgilay sawirka sirdoonkeeda iyo hay’addeeda ammaan ee caalamka hortiisa.
Taariikhdiisa,dhalashada illaa maanta ;
Sinwar waxa uu ku dhashay October 7, 1962 xerada qaxootiga Khan Yuunis ee koonfurta Marinka Qasa qoyskiisu waxa ay ka soo barakaceen magaalada Majdal ee waqooyi bari uga beegan Qasa, kaddib markii ay Israa’iil qabsatay 1948-kii oo ay magaceeda badashay Ashkelon.
Waxbarashadiisa dugsiga sare waxa uu ku qaatay Khan Yunis, ka hor inta uusan ku biirin Jaamacadda Islaamiga ee Qasa oo uu ka qallin-jabiyay shahaadada koowaad ee qeybta barashada Carabiga.
Waxa uu ku soo koray duruufo adag, waxaana saamayn ku yeeshay caruurnimadiisii weeraradii iyo dhibaataynta soo noqnoqda ee dadka degan xerada ay ku hayeen gumaysiga Israa’iil.
November 21, 2011, wuxuu guursaday Samar Muhammad Abu Zamar, oo ah haweeney reer Qasa ah oo shahaadada mastarka ee aasaasiga ah ee diinta ka qaadatay Jaamacadda Islaamiga ah ee Qaaa.
Dhaqdhaqaaqiisa siyaasadeed;
Yahya Al-Sinwar waxa uu lahaa waxqabad muuqda illaa ardaynimadiisii intii uu ku guda jiray waxbarashadiisa jaamacadeed, isaga oo xubin firfircoon ka ahaa ururka Islaamiga ah, oo ah garabka ardayda ee ururka Ikhwaanul Muslimiinka ee Falastiin.
Waxa uu ku soo shaqeeyay; Xoghayaha Guud ee Guddiga Farsamada ka dibna Guddiga Isboortiga ee Golaha Ardayda ee Jaamacadda Islaamiga ah ee Qasa, ka dibna Guddoomiye ku xigeenka Golaha iyo ka dibna Guddoomiyaha Golaha.
Shaqada uu soo qabtay inta uu ardayga ahaa waxay ka caawisay inuu helo khibrad iyo xirfad u qalma inuu door hoggaamineed ka qaato dhaqdhaqaaqa Xamaas ka dib markii la aasaasay 1987kii. Aasaasihii Xamaas, Sheekh Axmed Yaasiin ayaa Sinwar u xilsaaray inuu hoggaamiyo hay’ad ammaan oo loo bixiyay Ururka Jihaadka iyo Wacdiga (Majd). Hadafka ururkani waxa uu ahaa in uu ogaado oo uu baacsado wakiillada iyo basaasiinta gumaysiga Israa’iil, marka laga soo tago daba-galka saraakiisha sirdoonka iyo nabad-sugidda Israa’iil, ururkani waxa uu markiiba horseed u noqday horumarinta nidaamka amniga gudaha ee dhaqdhaqaaqa Xamaas.
Nolashiisa xabsiga;
Waxaa la xiray markii ugu horeysay 1982-kii, isagoo 20 sanno jir, waxaana lagu xiray xabsiga muddo 4 bilood ah , isagoo aan la soo taagin wax maxkamad ah. 1985kii, mar kale ayaa la xidhay waxaana lagu xukumay 8 bilood.
January 20, 1988, mar kale ayaa la xidhay, waxaana lagu soo oogay dacwad la xidhiidha afduubka iyo dilka laba askari oo Israa’iili ah, iyo dilka 4 falastiiniyiin ah oo lagu tuhunsanaa inay la shaqaynayeen Israa’iil, waxaana lagu xukumay xabsi daa’in.
Muddadii uu xidhnaa, waxa uu la wareegay hoggaanka sare ee maxaabiista Xamaas ee xabsiga, waxana uu ka qayb qaatay maaraynta iska-hor-imaadyada xabsiga iyo xilliyo is daba joog ah oo ay cunnada ka soomeen maxaabiista Falastiiniyiinta sannadihii 1992, 1996, 2000, iyo 2004 .
Waxaa loo kala wareejiyay xabsiyo dhowr ah; Waxaa ka mid ah Al-Majdal, Hadarim, Al-Sabaa, iyo Nafha ,waxaa jirtay muddo 4 sanno ah oo kaligii meel cidlo ah uu ku xirnaa , waqtigaa oo uu aad u xannuusaday illaa uu dhiig matagay.



