Akhriso:-Maxaa sababay Magacaabista uu sameeyay Duqa Garoowe?

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Duqa Magalada Garoowe ee Gobolka Nugaal Axmed Siciid Muuse ayaa lagu Magacaabay guddiga xalinta khilaafaadka dhulalka lagu muransan yahay ee ku yaalla Magalada Garoowe.

Guddiga ayaa ka kooban 5 Xubnood,waxaana ay u xil saaran yihiin xalinta muranka ka dhasha dhulalka ku yaalla Magalada Garoowe,kadib markii ay soo bateen isqab qabsiga dhulalka.

Magacaabista Guddigaas ayaa waxaa lagu wargeliyay Maxkamadaha iyo Booliiska Garoowe si ay ugala Shaqeeyaan xallinta khilaafaadka ka yimaada dhulka ku yaalla gudaha iyo nawaaxiga magaalada Garoowe.

Hoos Ka Akhriso Magacyada Guddiga la magacaabay.