Magaalada Kismaayo oo Xarun KMG u ah Maamulka Jubbaland maanta waxaa gaaray wafdi uu hogaaminyay Taliyaha Hay’adda Socdaalka iyo Jimsiyadaha Dowladda Federaalka Soomaaliya G/Sare Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi).
Wafdiga General Koofi ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha Magaalada Kismaayo ku soo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Jubbaland, Waxgarad iyo xubno kale.
Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) Taliyaha Hay’adda Socdaalka iyo Jimsiyadaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Magaalada Kismaayo inta uu joogo waxa uu kormeeri doonaa xarumaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha, isagoo sidoo kale kulamo la qaadan doona Mas’uuliyiinta Jubbaland.
Markii uu gaaray Kismaayo waxaa lagu Wareejiyay Gaadiid Casri ah oo loogu tala galay in lagu ilaaliyo xuduudaha Soomaaliya.


