Aas loo sameeyay Askartii Galmudug uga dhimatay Duqeynta “Sawiro”

Gaalkacyo-RisaalaFM- Magaalada Gaalkacyo, ee Gobolka Mudug ayaa maanta gelinkii dambe waxaa Aas Qaran loogu sameeyay Askartii Galmudug ee duqaynta lagu dilay.

Aaska loo sameeyay Askartaasi ayaa waxaa ka qeyb galay Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Galmudug, Qeybaha kala duwan ee Bulshada, iyo xubno kale.

Qaar ka mid ah shacabka reer Galmudug, oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in falkan uu yahay mid qaldan oo lagu laayay Askartooda.

Dhanka kale Magaalada Gaalkacyo waxaa maanta ka dhacay Banaanbax Balaaran, kaas oo looga soo horjeeday weerarkii dhinaca cirka ahaa, ee saakay lala beegsaday Ciidamada Maamulka Galmudug, kana dhacay Deegaanka Jeexdin, oo dhaca Duleedka Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.

1w 2w 3w 4w 5w 2w