Ka dib markii uu ka fariistay ciyaaraha kubadda cagta Andrea Pirlo, ayaa ka sheekeeyay sida uu ugu dhawaaday dhowr jeer inuu ku biiro kooxda Barcelona.
Anigu ma dhihi karo wax kasta wey dhici karaan, laakiin qiyaas ahaan afar jeer ayay isku dayeen Barcelona in ay ila saxiixdaan.
Pirlo oo kamid ahaa xiddigii ugu fiicnaa taariikhda soo maray xulka Italy, waxa uu ka sheekeeyay kulan uu la qaatay maaamulka Barcelona, kuwaasoo ka dhaadhiciyay in ay la saxiixdaan isaga.
Pep Guardiola aya aniga ahaan iigu yaray kulan gaar ah oo qaatay saacado, waxaan kawada hadalnay waqti badan nolosha Barcelona, laakiin markasta heshiisku ma aheyn mid suurta gal ah.
August 25, 2010kii, waxaan la joogay Milan oo kusugneyd garoonka Nou Camp, halkaasoo uu ka dhacayay tartanka Gamper Cup, qof walba oo Milan ah waqtigaas wuu ogaaday xiriirka noo dhaxeeyay aniga iyo Barcelona.
Anigu dhab ahaantii waxaan ka fakirayay waxa ka dhici karay qolka labiska Milan, Guardiola wuxuu fadhiyay kursi armaajo ah, Waxa uu bilaabay inuu ii sheego waxa ay iga damacsan tahay Barcelona.
Wuxuu igu yiri waa meesha adduunka ugu sareysa ee laga ciyaaro, isagu wuxuu ahaa mid xariif ah oo aad ay u adag tahay in la diido hadaladiisa.
“Waad ku mahadsan tahay inaad ogolaatay inaad la kulanto.”waad ku mahadsan tahay martiqaad”Waxaan u baahanahay halkan inaan ka ciyaaro ayaa ku iri Pep Guardiola ayuu yiri halyeyga Italy Andrea Pirlo.



