Ammaanka Magaalada Cadaado oo si weyn loo adkeeyay

Ammaanka Magaalada Cadaado ayaa Saaka si weyn loo adkeeyay , waxaana Xaafadaha kala duwan ee Magaaladaasi lasoo dhoobay Ciidamo isugu jira Boolis iyo Nabad Suggid.

Magaalada Cadaado ayaa waxaa ku sugan Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya oo ka mid yahay Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Cabdi Faarax Juxa.

Magaalada Cadaado ayaa waxaa kusii qulqulaya Ergooyin lagu casuumay in ay ka qeyb galaan Caleema Saarka Madaxweynaha Galmudug.

Sida ay Risaala u sheegeen saraakiil ku dhow Madaxtooyadda Galmudug Maanta ayaa lagu waddaa in Mas’uuliyiin kala duwan oo qeyb galeysa Caleema Saarka in ay gaaraan Magaalada Cadaado, waxaana ka mid ah qaar ka mid ah Madaxda maamul goboleedyadda.

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa lagu waddaa in uu kasoo Ambabaxo Magaalada Kismaayo ,islamarkaana uu gaaro Magaalada Cadaado.

Madaxweynaha Cusub ee Galmudug Axmed Ducaalle Geelle ayaa waxaa la doortay Saddexdii Bishaan , waxaana looga fadhiyaa in uu ka shaqeeyo midnimada Shacabka degan gobolada Dhexe.