Waxaa faah faahin dheeraad ah laga helayaa Gaari la sheegay in uu siday Qaad oo koox hubeysan ay ku Rasaaseeyeen Degaano ka tirsan Gobolka Baay.
Gaariga la Rasaaseeyay oo ka soo baxay Degmada Bardaale ee Gobolka Baay ayaa waxa uu ku sii jeeday Magaalada Baydhabo, waxaana wadada u galay koox ka tirsan ururka Al Shabaab.
Saraakiil ka tirsan Ciidanka Koonfur Galbeed oo aan la xiriirnay ayaa ka gaabsaday in ay faah faahin dheeraad ah naga siiyaan khasaaraha ka dhashay Gaariga la Rasaaseeyay, balse waxaa jira khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Wariyaha Risaala ee Degaanada Koonfur Galbeed Siid Cali Muuse Maxamed oo ku sugan Magaalada Baydhabo ayaa qadka Telefoonka waxa uu ugu waramay Maxamed Cabdi Cali oo Risaala ka tirsan.


