DEG DEG: Dil caawa ka dhacay Muqdisho

Muqdisho-RisaalaFM- Wararka inaga soo gaaraya Buundada Ansalooti gaar ahaan dhanka Degmada Xamar Jajab ayaa waxa ay sheegayaan in salaadii maqrib kadib halkaasi lagu dilay Qof ka tirsanaa Shaqaalaha Wasaaradda Waxbarashada.

Kooxo ku hubeysan Bastoolado oo watay Mootada Labada lugood leh ee loo yaqaano Vekon ayaa waxa ay halkaasi ku toogteen Mukhtaar Maxamed khayre oo ka tirsanaa shaqaalaha Shaqaalaha Wasaaradda Waxbarashada, sida ay inoo xaqiijiyeen Mas’uuliyiinta Xamar jajab.

Dadka Degaanka ayaa Risaala u sheegay kooxo hubeysan in Buundada Ansalooti ay ku dileen Qof dhalinyaro ah, kadibna halkaasi kooxihii hubeysnaa ay ka baxsadeen.

Maamulka Degmada iyo Ciidanka ammaanka Dowladda Federaalka aya waxa ay gaareen goobta uu dilka dhacay, waxaana ay halkaasi ka qaadeen Meydka Marxuumka la dilay.

Baaritaano ay sameeyeen Ciidanka ammaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaanan jirin dad loo soo qab qabtay dilka Marxuum Mukhtaar Maxamed khayre.