Gudoomiyaha degmada Baraawe ee gobolka Shabeelaha Hoose Xuseen Bare Maxamed Jeex oo wareysi siiyay Idaacadda Risaala ayaa waxaa uu ka warbixiyay xaalada guud ee magaalada Baraawe.
Gudoomiyaha ayaa sheegay in maalmihii u dambeeyay degmada Baraawe ay aheyd mid xaaladeeda ay dagan tahay oo wax dhibaato ah aysan ka dhicin.
Waxaana gudoomiyaha oo hadalkiisa sii wata uu dhanka kale ka hadlay dhismihii ka socday degmada Baraawe isagoona sheegay in maalmaha soo socda ay bilaaban doonto dhismaha dekada Baraawe iyo goobo kale.
Waxaana uu tilmaamay in degmada Baraawe ayaa waxaa uu ka hadlay xaalada amaan ee degmada isagoona tilmaamay in degmada amnigeeda la isku haleyn karo.


