DHAGEYSO: Amaro lagu soo rogay Shacabka kunool Muqdisho

Maamulka Gobolka banaadir ayaa Shirkadaha Nadaafada iyo Shacabka ku nool Muqdisho ugu baaqay in aysan qashinka ku shubin goobo aan loogu tala galin.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sidoo kale sheegay in aysan aqbali doonin in qashin lagu shubo banaanka hore ee Kawaaanka Malaayga ee degmada Xamar weyne iyo qeybo kale oo ka mid ah degmooyinka gobolka.

Guddoomiye Ku Xigeenka Koowaad ee gobolka Banaadir ahna Guddoomiye Ku Xigeenka Maamulka iyo Maaliyada ee Gobolka Ismaaciil Macalin Cabdi Guure aya sheegay in ay si adag ula xisaabtami doonaan shirkadaha Nadaafada iyo shacabka Muqdisho ee qashinka ku shubo goobaha aan loogu tala galin.

Waxa uu sidoo kale sheegay in aysan aqbali doonin in nadaafad daro lagu arko qeybo ka mid ah degmooyinka Gobolka Banaadir.