Muqdisho-RisaalaFM- Waxaa hoolka ay ka socota xarunta Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya lagu dhaariyay xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dalka Ibrahim Iidle Suleymaan ayaa dhaariyay 4 xildhibaan oo dhowaan ka mid noqday Baarlamaanka Federaalka.
Xildhibaanada la dhaariyay ayaa waxa ay kala yihiin:-
- C/aahi Maxamed Aadan
- Saciid Cabdi Xuseen
- Bilaal Idiris
- Marwo Hudo
4-ta xildhibaan ee la dhaariyay ayaa waxa ay qeyb ka yihiin 328 xildhibaan oo ku sugan xarunta Doorashada, kuwaas oo dhiibanaya codadkooda.


