Waxaa saakay degan xaalada Degaanka Goof-gaduud Shabeelow oo 30-KM ujira Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka, kadib markii shalay ay halkaasi ku dagaalameen Ciidanka Dowladda Federaalka, kuwa Koonfur Galbeed oo isku dhinac ah iyo Dagaalyahanada Shabaab.
Dagaalkan oo labada dhinacba ay ka sheegteen guulo kala duwan, ayaa ku faanay in mid walba isaga uu maamulayo Degaanka.
C/laahi Sheekh Maxamed oo ka mid ah Sarkaakiisha Ciidanka Dowladda ee ku sugan Degaanka Goof-gaduud ayaa Idaacadda Risaala uga waramay Dagaalkii shalay iyo khasaaraha ka dhashay.


