Maxaa ka cusub shirka Madasha Qaran ee ka socda Muqdisho ?

Muqdisho-RisaalaFM- Shirka Madasha Wadatashiga Qaran ee ka socda Magaalada Muqdisho ayaa galay maalinkii Labaad, waxaana dood adag ay ka jirtaa Qodobada qaar oo Madaxdu ay isku fahmi la’yihiin.

Madaxda ayaa waxa ay ka doodayaan arrimo ku aadan Doorashooyinka Dalka, inkastoo Madaxda Madashada aysan si rasmi ah uga hadlin shirkan.

Madaxda Madasha Wadatashiga ayaa shalay waxa ay isla soo qaadeen hormadarada laga gaaray Doorashooyinka iyo sida ay gaba gabada ugu dhow yihiin.

Puntland oo shirkan uu uga qeyb galayo Madaxweyne ku xigeenka Puntland C/xakiin C/laahi Xaaji Cumar (Camey) ayaa waxa uu soo bandhigay cabashada Puntland ay ka qabto xubnaha Aqalka Sare ee laga soo xulayo Sool iyo Sanaag.

Madasha ayaa sidoo kale waxa ay ka hadli doonaan xilliga ay dhaceyso Doorashada Gudoonka Baarlamaanka iyo mida Madaxweynaha Soomaaliya.