Beledweyne-RisaalaFM- Wararka inaga soo gaaraya caawa Magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxa ay sheegayaan Degaanka Doon-maleyko oo 7-KM u jira Magaalada Beledeyne uu ka asocda Dagaal.
Dagaalkan ayaa la sheegay in uu u dhaxeeyo labo maleeshiyo beeleed oo wada dega Degaankaasi, sida uu soo sheegayo wariyaha Risaala ee Magaalada Beledweyne.
Dadka Deegaanka ayaa Risaala u sheegay Dagaalkan in uu la xiriiro aanooyin qabiil gaar ahaan, Nabadoon Bocor Axmed Cali oo maanta lagu dilay Magaaladaasi.


