Gaalkacyo-RisaalaFM– Dagaal saakay ka Qarxay Galbeedka Magaalada Gaalkacyo ayaa weli wuxuu ka socdaa Magaaladaasi, waxaana Dagaalkaasi uu yahay mid culus oo la isku adeegsanayo Hubka nuucyadiisa kala duwan.
Dagaalkan ka socda Magaalada Gaalkacyo ayaa waxa uu geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, sida ay Risaala u sheegeen Dadka Deegaanka.
Dadkii ku dhaawacmay Dagaalka ka socda Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa loola cararay isbitaalada ku yaalla Magaalada Gaalkacyo.
Maamulada Puntland iyo Galmudug oo Dagaalkan uu u dhaxeeyo ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay Dagaalka, waxaana midba midka kale uu ku eedeeyay in uu isaga ka dambeeyay.
Gudoomiyaha Magaalada Gaalkacyo ee dhanka Maamulka Galmudug Xirsi Yuusuf Bare ayaa sheegay in Dagaalka ay soo qaadeen Ciidamo ka tirsan Maamulka Puntland, sidoo kalena ku eedeyay in dad shacab ah ay ku dileen Dagaalka.
Dhanka kale Gudoomiyaha Magaalada Gaalkacyo ee dhanka Maamulka Puntland Maxamuud Yaasiin Axmed ayaa dhankiisa sheegay in Dagaalka uusan u dhaxeynin labada Maamul balse uu u dhaxeeyo dad shacab ah oo labada dhinac kala degan.


