IGAD oo si Cad uga Horyimid Aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

Urur-goboleedka IGAD ayaa si rasmi ah uga horyimid tallaabada ay Israa’iil ku sheegtay inay ku aqoonsatay Somaliland, isagoo ku tilmaamay mid si toos ah uga hor imaanaysa shuruucda caalamiga ah iyo xeerarka ay ku dhisan yihiin hay’adaha caalamiga ah.

Bayaan rasmi ah oo ka soo baxay IGAD ayaa lagu caddeeyay in Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay weli tahay dal madax-bannaan oo leh midnimo dhuleed oo buuxda, isla markaana ay xubin rasmi ah ka tahay ururka IGAD. Ururku wuxuu hoosta ka xarriiqay in aan la aqbali karin aqoonsi hal dhinac ah oo ka baxsan heshiisyada iyo axdiyada caalamiga ah.

“Aqoonsi kasta oo hal dhinac ah wuxuu si cad uga hor imaanayaa axdiyada Qaramada Midoobay, Midowga Afrika iyo kan IGAD lafteeda,” ayaa lagu yiri bayaanka, iyadoo lagu adkeeyay in la ixtiraamo madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

Dhanka kale, waxaa sii kordhaya wadamada iyo ururada caalamiga ah ee taageerada u muujinaya Dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaas oo si isku mid ah u cambaareeyay tallaabada ay Israa’iil qaaday.

Taageeradan isa soo taraysa ayaa muujinaysa mowqif mideysan oo caalami ah oo lagu difaacayo midnimada Soomaaliya, laguna diidan yahay tallaabo kasta oo hal dhinac ah oo wax u dhimaysa xasilloonida iyo nidaamka caalamiga ah.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku celisay go’aankeeda ah inay sii wadi doonto dadaallada diblomaasiyadeed ee ay ku difaaceyso midnimada dalka, iyadoo kaashanaysa saaxiibadeeda gobolka iyo caalamka, si loo hubiyo in la dhowro sharciga caalamiga ah iyo madaxbannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.