Allaah u naxriistee Waxaa la xaqiijiyay geerida Jeneral Maxamed Saciid Xirsi Morgan, oo ku geeriyooday isbitaal ku yaalla magaalada Nairobi, ee caasimadda dalka Kenya, kadib markii la sheegay inuu ku xanuunsanayay dalkaasi.
Jeneral Morgan wuxuu ahaa sarkaal sare oo door muuqda ku lahaa taariikhda ciidanka Soomaaliya, waxaana geeridiisa xaqiijiyay Asad Cusmaan Cabdullaahi Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliya oo qoraal ku soo qoray Baraha Bulshada ayaa waxaa uu ku yiri” Waxaa galabta oo taariikhdu tahay 28 May 2025 Nairobi ku geeriyoodey Magaalada Nairobi Janaraal: Maxamed Siciid Xersi Morgan.Waxaan geerida Janaraalka uga tacsiyeynayaa dhammaan Ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan ehelkii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday. Waxaan Ilaahay u weydiinayaa inuu qabriga u waasiciyo, Janatul Fardowso geeyo. Aamiin”
Waa kuma Jeneral Morgan?.
Jeneral Maxamed Saciid Xirsi Morgan wuxuu ku dhashay magaalada Qardho sanadkii 1949. Wuxuu nasiib u yeeshay inuu helo tababar ciidan oo heer sare ah, isagoo waxbarasho ciidan ku qaatay dalalka Talyaaniga iyo Mareykanka, halkaas oo uu ka bartay xirfadaha hoggaaminta ciidan, difaaca qaranka iyo istiraatiijiyadda milatari.
1967 ayuu ku biiray ciidamada xoogga dalka, isagoo ka mid ahaa saraakiishii ugu horeeyay ciidamada qalabka sida, wuxuu soo noqday taliyaha guutada Madaafiicda Muqdisho.
Xilalkii uu soo qabtay
Intii uu ka tirsanaa ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, Jeneral Morgan wuxuu soo qabtay xilal sare oo ay ka mid yihiin:
1-Taliye ciidan oo ka soo noqday Qeybta 21-aad ee fadhigeedu ahaa magaalada Dhuusa Mareeb.
2-Taliye ka ahaa Qeybta 26-aad oo xarunteedu ahayd Hargeysa.
Sanadkii 1990, wuxuu loo magacaabay Wasiirka Gaashaandhigga ee Soomaaliya, xilkan ayaa waxaa uu qabtay xilli dalku galay marxalad adag oo siyaasadeed iyo mid amni wuxuuna sidoo kale soo noqday wasiirka howlaha guud.
Waxbashadiisa ayuu wuxuu ku soo qaaday Magaalada Boosaaso, isagoona ugu dambeyntii la keenay Muqdisho , wuxuuna waxbarashiisa ku dhameystay magaalada Muqdisho.
Geerida Jeneral Morgan ayaa waxaa si weyn looga dareemay gudaha Soomaaliya iyo dibadda, gaar ahaan ehelkiisa, asxaabtiisii hore ee ciidanka, iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee aqoonta u lahayd doorkii uu ku lahaa ciidanka iyo dowladnimadii Soomaaliya.
Bal Dib u Milicso marka uu ka sheekeynayay Taariikhdiisa inta uusan geeriyoonin:-
Waxaan ku dhashay magaalada Qardho, dugsiga hoosena waxaan ka dhigtay isla Boosaaso iyo Qardho, Fasalkii koowaad ee dugsiga dhexe ayaana Xamar u soo wareegey, iskuulkii Carabta Masaarida dugsigii Allaahida ayaan dugsiga dhexe iyo dugsiga sareba ku soo dhamaystay 1967kii ayaan dugsiga sare ka baxay, markaan ka baxayna waxaan galay ciidamada kaddibna sadex sano oo kooras ah ayaan dalka Raashka u aaday, markaan ka soo laabtayna waxaa dhashay kacaankii 21ka Oktoobar, kacaankaas ayaanna ku noqday saraakiishii ugu horaysey ee Raashiya ka timaada, laba kooxood keliyaa iga dambaysey, kaddib waxaan ka mid noqday rag loo doortay inay la shaqeeyaan madaxtooyada , oo madaxweeynaha la shaqeeya, muddo lix sano ah ayaan madaxweeynaha la shaqaynayey mar aan u ahaa body guard iyo mar aan u ahaa xoghayn intaba waan la soo maray ilaa iyo 1976kii.
Dagaalkii kadib 1977kii waxaan taliye ka noqday guutadii koowaad ee madaafiicda goobta, muddo kadibna aaggii waxaa loo soo bedeley oo taliye ka noqday Cabdillaahi Yuusuf, anigana waxaa la igu soo celiyey taliyihii guutada koowaad halkaas oo ay markaa abaabul iyo tababaro ka socdeen ilaa aan noqday taliyaha deegaanka Xamar.
Markaas kaddib waxaan kooras laba sano ah u aaday Maraykanka Commander General Staff College oo Kansas ku taala ayaan ka soo baxay, markaan ka soo noqdayna waxaan noqday taliyaha qaybta 21aad ee Dhuusa-Mareeb, kaddib waxaa la ii bedeley qaybta 26aad ee Waqooyi galbeed oo aan iyana laba sano iyo badh ka soo shaqeeyey, dagaaladii sokeeye ee meesha ka dhacayna ay ila soo gudboonaadeen, kaddibna wasiirka hawlaha guud iyo gurayaynta, ugu dambayntiina wasiirka gaashaandhiga.Waxbashadiisa ayuu wuxuu ku soo qaaday Magaalada Boosaaso, isagoona ugu dambeyntii la keenay Muqdisho , wuxuuna waxbarashiisa ku dhameystay magaalada Muqdisho.
Fadlan qoraalka xigashadiisa ku lifaaq Risaala.



