Xubno ka tirsan Alshabaab oo lagu dilay duqeyn ka dhacday Koofurta Gobolka Mudug

Ilaa 30 Xubnood  oo ka tirsan Alshabaab a ayaa la sheegay in  lagu dilay tiro intaasi ka badana ay  ku dhaawacmeen howlgal Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadka deegaanka ay ka fuliyeen deegaanka Qaycad ee Koofurta Gobalka Mudug.

Howlgalkaan oo ahaa mid aad loo qorsheeyay ayaa lagu bartilmaameedsaday Xubno ka tirsan Alshabaab  , kadib markii la helay xogtooda, waxaana ka mid ah Xubnaha la dilay ee Alshabaab  ka tirsan islamarkaana Dawlada Federaalka Magacyadooda ay soo bandhigtay .

1-Maxamed Bashiir Muuse oo Alshabaab  ugu yeeri jireen Mukhtaar, kaasi oo ahaa horjoogaha waxa ay ugu yeeraan Jabhadaha, una qaabilsanaa koofurta gobalka Mudug.

2-Horjooge Maadey Foodey oo isna la mid ahaa Xybnaha Alshabaab ee ka Hawlgalayay Gobalka Mudug.

In ka badan 40 Xubood Alshabaab ka tirsan oo dhaawacyo ay ka soo gaareen howlgalkaan aadka loo qorsheeyay ayaa la geeyey deegaanno ku dhow magaalada Ceelbuur ee gobalka Galgaduud, kuwaas oo ay hadda u la’yihiin meel ay kula tacaalaan xaaladooda ayaa lagu yiri war ka soo baxay Dawlada Soomaaliya .

Howlgalladii ugu dambeeyay ee Ciidanka Xogga Dalka iyo dadka deegaanka ay ka sameeyeen Koofurta Gobalka Mudug ayaa gabi ahaanba waxaa lagu bur-buriyay Godad iyo Fariisimo muddo dheer Alshabaab isku qarinayeen ayaa sidoo kale lagu yiri warkan ka soo baxay Dawlada Federaalka Soomaaliya  .