Diiwaangelinta musharrixiinta Golaha Shacabka oo ka bilaabatay Kismaayo

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka heer Dowlad Goboleed ee Jubbaland  ayaa Maanta bilaabay diiwaangelinta Musharrixiinta 6 kamid ah kuraasta Golaha Shacabka oo 28-ka Bishan doorashadooda ay ka dhaceyso Magaalada Kismaayo.

Musharrixii ugu horreeyay ee Maanta la diiwaangeliyay ayaa waxaa uu noqday Guddoomiyihii hore ee Guddiga doorashooyinka Jubbaland Xamse Cabdi Barre oo u tartamaya kursiga tirsigiisu yahay HOP 203, iyada oo la gudoonsiiyay shahaadada musharaxnimo.

Sidoo kale Guddiga doorashooyinka Heer dowlad Goboleed ee jubbaland ayaa diiwaangeliyay Musharax Xildhibaan Maxamed Cali Cumar, kaas oo u tartamaya kursiga tirsigiisu yahay HOP 108, iyaga oo  gudoonsiiyay shahaadada musharaxnimo.

Guddiga doorashooyinka Heer dowlad Goboleed ee jubbaland ayaa Maalinta berito ah soo geba-gabeeynaya diiwaangelinta musharrixiinta lixda kursi si Maalinta xigta ee Talaadada loo qabto doorashada.