Maxay ka wada hadleen Madaxweynaha Koonfur Galbeed & Guddiyada doorashooyinka?

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) ayaa kulan waxaa uu kula qaatay Magaalada Baydhabo Gudiyada Hir-gelinta Doorashooyinka heer Federaal (FIET) heer Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed (SEIT) iyo Gudiga Xalinta Khilaafaadka.

Kulanka ayaa waxaa sigaar ah looga hadlayey Arrimaha Doorashooyinka Xildhibaanada Gollaha Shacabka oo maalmihii la soo dhaafay ay kasoo baxeeysay cabasho xoogan oo badi ka imaaneysay soyaasiyiinta mucaaradka.

Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Heer Federaal Maxamed Xasan Cirro ayaa sheegay in ujeedka safarka ay Baydhabo ku tageen uu ahaa la socoshada sida ay ku socdaan doorashooyinka, isla markaana si wanaagsan ay doorashooyinka ugu socdaan Maamulka Koonfur Galbeed.

Wuxuu hadalkiisa uu intaasi ku daray in Madaxweynaha Koonfur Galbeed ay kala hadleen sidii loo sixi lahaa waxyaabaha tabashooyinka ah ee kasoo yeeray doorashooyinka.

Ugu dambeyn wuxuu sheegay inay bilaabi doonaan baaritaan la xiriira cabashada ka yimid doorasbooyinka sigaar ah kursiga HOP#103 ee loo diiday in uu u tartamo Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaar.

Maamulka Koonfur Galbeed oo ah maamulkii ugu horreeyay ee doorta tirada ugu badan ee Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa waxaa ka timid cabasho badan, iyada Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaar & Idiris Cabdi Dhaqtar ay sheegeen in laga hor-istaagay u tartamida kuraastii ay horay ugu fadhiyeen.