Saraakiil ka tirsan Ciidanka Millateriga Soomaaliya oo gaaray Dhuusamareeb

Waxaa Maanta Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Dowlad Goboleedka Galmudug gaaray wafdi saraakiil ah oo uu hoggaaminayo Taliyaha Guutada 6-aad, Qaybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Janeraal Aadan Abshir Nuurre .

Garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb waxaa wafdiga kusoo dhaweeyay, Taliyaha Saldhiga Booliska Dhuusamareeb, saraakiisha Ciidanka kala duwan ee dowladda Soomaaliya & mas’uuliyiin kale.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya safarka uu Maanta Dhuusamareeb ku tegay Taliyaha Guutada 6-aad, Qaybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga dalka Janeraal Aadan Abshir Nuurre, balse wuxuu kusoo aadayaa xilli Galmudug ay dagaal adag kala kulantay xoogaga Ahlusunna.

Taliyaha Guutada 6-aad, Qaybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Janeraal Aadan Abshir Nuurre ayaa waxaa la filayaa in uu kulan la qaato Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ( Qoor Qoor) & Saraakiisha kala duwan ee Ciidamada.

Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa waxaa ay kamid tahay goobaha loo asteeyay inay ka dhacdo doorashada Golaha Shacabka, iyada oo amnigeeda siweyn loo adkeeyay.