Afcadeey oo Senator loo doortay

Mid ka mid ah kuraasta Aqalka Sare ee maamulka Hirshabeelle ayaa goor dhow lagu doortay Magaalada Jowhar ee caasimada maamulka Hirshabeelle.

Kursiggaan oo wareeggii ugu dambeeyay waxaa ku tartamay Generaal Maxamed Axmed Afcadeey iyo Maxamed Amiin oo afartii sano ee lasoo dhaafay Senator ahaa.

Afcadey ayaa ku guuleystay Kursiggaan in uu ku fadhiisto afarta sano ee soo socoto.

Axmed Maxamed Cali Afcadeey ayaa helay 52 Cod , halka musharixii la tartamayay ee Maxamed Amiin Sheikh Cusmaan oo horay kursigaan ugu fadhiyay uu helay 44 Cod.

Afcadey ayaa horay u soo noqday taliyaha Ilaalada Madaxtooyadda waa sarkaal ciidan oo khibrad badan, waxaana si weyn loogu tiriyaa xisbiga Shariif Sheekh Axmed.