RW Rooble oo ka qeyb galay Kulanka Golaha Wasiirada Jubbaland

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble & Madaxweynaha Dowlad Goboleedka  Jubbaland  Axmed Maxamed Islaam, iyo, ayaa si wadajir ah u gudoomiyay shirka Golaha wasiirada  Jubaland, kaas oo ka qabsoomay Magaalada Kismaayo.

Shirkanwaxaa ka qeybgalay xubnaha Golaha wasiirada Xukuumada Federaalka ah  iyo kuwa  Dowlad Goboleedka Jubaland oo isku dhaf ah iyadoo ay qeyb ka tahay sidii loo xoojin lahaa wada shaqaynta wasaaradaha Xukuumada Federaalka ah  iyo Jubaland.

Ra’iisul Wasaare rooble iyo Madaxweynaha Jubbaland ayaa ugu baaqay golaha Wasiirada Xukuumadda & kuwa Jubbaland inay xoojiyan wadashaqeynta, sidoo kale ay dardar geliyaan howlaha loo igmaday.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa Magaalada Kismaayo ka bilaabay kulamo kala duwan, kuwaas oo ku saabsan sidii loo soo celin lahaa wadashaqeynta dowladda Soomaaliya & Maamulka Jubbaland.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa la filayaa in uu garao degmada Garbahaareey ee Gobolka Gedo, halkaas oo guddiga uu Magacaabay ay ka bilaabi doonan howlo dib u heshiisiin ah.