Waxaa Maanta dibadbax degmada Balcad oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha dhexe ka dhigay qaar kamid ah gaadiidleyda ka Shaqeeysa Magaalada Muqdisho iyo degmada Balcad, kuwaas oo sheegay in lacag Canshuur ah lagu kordhiyay.
Gaadiidleeydaan oo ku Shaqeysta Gaadiidka NOH-da ah ayaa waxaa ay banaanbax cabasho ah ay ka dhigeen Bar-koontorool oo ku taal Xaafada Xaawa taako degmada Balcad Gobolka Shabeellaha Dhexe.
Qaar kamid ah Gaadiidleyda banaanbaxa dhigay oo la hadlay Risaala ayaa waxaa ay sheegeen in Maamulka degmada Balcad uu lacag dhan Saddex Dollar uga qaado degmada balcad, balse bar-koontorool kale ay soo dhigteen Maamulka Hir-Shabeelle ayna doonayaan lacag dhan laba Dolar taasina aysan bixin karin.
Sidoo kale waxaa ay sheegeen in cabashadooda ay u gudbiyeen Mas’uuliyiinta Maamulka degmada Balcad balse uu u sheegay in uusan waxba ka qaban karin.
Gaadiidleyda ka Shaqeeysa Magaalada Muqdisho iyo degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa dhwr jeer waxaa ay cabasho ka muujiyeen isbaarooyin la soo dhagay inta u dhaxeeysa Mauqdisho iyo Balcad wallow markii dambe laga qaaday.



