Laftagareen oo safiirka Cusub ee Ingiriiska kala hadlay Arrimaha doorashada

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xassan Maxamed Lafta-gareen oo ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa la kulmay Safiirka cusub ee Boqortooyada Ingiriiska u qaabilsan Soomaaliya Marwo Kate Foster.

Madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen ayaa ugu horeen soo dhaweeyey Safiiradda Wuxuuna kala hadlay sidii loo laba jibaari lahaa Shaqooyinka ay ka haayaan Deegaanadda Koonfur Galbeed iyo sidoo kale xaalada guud ee Soomaaliya ee xiligan ka jirtaa sida Doorashooyinka, Amniga iyo Hormarka Guud ee Deegaanadda Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Safiirka cusub ee Boqortooyada Ingiriiska u qaabilsan Soomaaliya Marwo Kate Foster ayaa sheegtay in Koonfur Galbeed ay sii laba jibaaraayaan taageeradda ay ka siiso dhinaca Ciidamadda.