Qarax loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha Qarxa oo lagu dhaawacay 50 qof

Qarax xoogan oo loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo ka dhacay meel u dhow saldhig booliis oo ku yaal galbeedka gobolka Herat ee Afghanistan ayaa lagu  dilay ugu yaraan sideed qof, in ka badan 50 kalena waa ay ku dhaawacmeen, sida ay saraakiishu sheegeen.

Afhayeenka isbitaalka gobolka, Rafiq Sherzai, ayaa sheegay in tirada dhimashada ee qaraxii Jimcaha la filayo inay kororto maxaa yeelay dhowr ka mid ah dadka dhaawacmay ayaa xaalad halis ah ku jira.

Mid ka mid ah dadka dhintay iyo 11 ka mid ah dadka dhaawacmay ayaa ahaa shaqaalaha Ciidamada Amniga ee Afghanistan halka inta soo hartayna ay ahaayeen rayid, oo ay ku jiraan haween iyo carruur, sida uu sheegay afhayeenka wasaaradda arrimaha gudaha Tariq Arian.

Mid ka mid ah dadka dhintay iyo 11 ka mid ah dadka dhaawacmay ayaa ahaa shaqaalaha Ciidamada Amniga ee Afghanistan halka inta soo hartayna ay ahaayeen rayid, oo ay ku jiraan haween iyo carruur, ayuu yiri afhayeenka wasaaradda arrimaha gudaha Tariq Arian.