Madaxweynaha Tigray ayaa jawaab kasoo saaray 72 saacadood oo ay dowladda Itoobiya ugu qabatay inay isasoo dhiibaan.
Xilli uu sii xoogeystay dagaalka culus ee ka socdo waqooyiga waddanka Itoobiya, Ra’iisul Wasaaraha dalkaas, Abiy Axmed, ayaa xoogagga gobolka Tigray iyo madaxdooaba siiyay saddex maalmood oo kama dambeys ah si ay hubka u dhigaan dowladdana gacanta ugu soo galaan.
Hadalka Ra’iisul Wasaaraha ayaa daba socday sheegashadii dowladdiisa ee ahayd inay tiro aad u badan” oo ka mid ah ciidamada jabhadda Tigray isu soo dhiibeen, inkastoo sheegashadaas aan si madax bannaan loo xaqiijinin, isgaarsiinta go’an awgeed.
Laakiin jawaabta la wada sugayay ee siyaasiyiinta majaraha u haya Tigray-ga ayaa noqotay mid aysan dowladdu ku farxi doonin.
“Waxaan leennahay shuruuc aan ku dhaqanno iyo mabaadii”, ayuu yidhi hoggaamiyaha jabhadda la magacbaxday Dhaqdhaqaaqa Xoreynta Shacabka Tigray, Debrestion Gebremichael.
Sarkaal kale oo ka mid ah madaxda Tigray ayaa isaguna sheegay in qof walba oo Tigray ah – mid hubeysan iyo mid aan hubeysneynba – uu la dagaallami doono milatariga dowladda dhexe.
In ka badan 40,000 oo qof ayaa ilaa hadda ka barakacday dagaalka Itoobiya, waxayna gaareen waddanka dariska la ah ee Suudaan, sida ay Qaramada Midoobay sheegtay.



