Dowladda oo sheegtay in howlgal lagu dilay Sarkaal Al-Shabaab ah & Xubno la socday

Ciidamada kumaandoosta xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo qorsheysan waxaa ay ka fuliyeen degaanka Gamboole oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo ay ku sugan yihiin Xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Saraakiisha Ciidanka DANAB ee howgalka hoggaaminayay ayaa waxaa ay sheegeen in howlgalkaas ay ku dileen Sarkaal Al-Shabaab u qaabilsanaa Gobolka Shabeellaha Dhexe kaas oo lagu magacaabi jiray  Sheekh Maxamed Suleeymaan (Gacameey) iyo Saddex xubnood oo kale.

Sidoo kale Saraakiisha waxaa ay heegeen in uu sii socon doono howlgalka ka dhan ka ah Ururka Al-Shabaab, kaas oo laga fulinayo degaannada Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Ciidamada Kumaandooska DANAB ayaa inta badan waxaa ay howlgallo kala duwan ka sameeyaan degaano ka tirsan gobolada Jubbooyinka & labada Shabeelle, iyaga oo howlgalladaas ku sheega inay ku dilaan Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab.