Dhageyso:-Xulista Baarlamaanka Hir-Shabeelle oo la sheegay in la musuq maasuqay

Dhawaan ayaa waxaa la soo bandhigay liiska Xildhibaannada Baarlamaanka Hir-Shabeelle, waxaana la sheegay in xulista xildhibaannada la musuq maasuqeen, isla markaana ay ka dambeeyeen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda iyo Maamulka Hir-Shabeelle.

Laba dhinac ayaa la sheegay inay ku lug lahaayeen xulista Baarlamaanka Hir-Shabelele, kuwaas oo kala ah Taliyaha Hay’adda Nabadsugida Soomaaliya Fahad Yaasiin iyo mas’uuliyin uu kamid yahay Madaxweyne kuxigeenka Hir-Shabeelle.

Cabdiraxmaan Diini oo ah falanqeeye Siyaasadeed kana mid ahaa Xubnihii ku sugnaa Magaalada Jowhar xilliga lagu dhawaaqayay Baarlamaanka Hir-Shabeelle ayaa sharaxaad ka bixiyay sida ay wax u dhaceen.