Shan daafac oo Liverpool ku bedeli karto Virgil van Dijk

Xilli ciyaareedka Liverpool wuxuu ku jiraa khatar iyadoo daafaca Virgil van Dijk uu wajahayo dhaawac culus.

Ciyaaryahanka reer Holland ayaa qalliin looga sameyn doonaa jilibka ka dib markii uu ku dhaawacmay kulankii sabtida ee Merseyside derby.

Taakal naxdin leh oo ka timid Jordan Pickford ayaa keentay in van Dijk oo uu dhaawacmo, iyadoo lagu qasbay inuu garoonka ka baxo 11 daqiiqo oo keliya markii ay soctay ciyaarta.

In kasta oo aan waqti loo dejinin soo noqoshada van Dijk, Liverpool ayaa weyn doonta daafac muhiim ah toddobaadyo ama bilaha sooscda.

Waxay imaaneysaa arintaan ka dib xagaagii uu Jurgen Klopp doortay inuusan la saxiixan daafac dhaxe, iyadoo Dejan Lovren la iibiyay.

labada ciyaaryahan ee u nugul dhaawacyada ee Joe Gomez iyo Joel Matip waa kuwa keliya ee la aqoonsan yahay waqtigaan daafaca Liverpool.

Klopp sidoo kale wuxuu heystaa Fabinho kaasoo buuxin kara booskaas, laakiin tababaraha Liverpool ayaa laga yaabaa inuu isku dayo inuu xoojiyo kooxdiisa kahor ama inta lagu jiro bishaan Janaayo.

Hadda waxaa jira shan ciyaartoy oo buuxin kara booska Van Dijk ee kooxda Liverpool.

Liverpool ayaa lala xiriirinayay xiddiga Schalke Kabak xagaagan laakiin waxay doorteen inaysan dalab rasmi ah ka gudbin.

20 jirkaan ayaa si aad ah looga qiimeeyay Jarmalka laakiin qiimo jaban ku imaan mayo Reds haddii loo baahdo.

Kabak ayaa lagu soo waramayaa inuu haysto qandaraas lagu burburin karo 41 milyan ginni, inkastoo Schalke ay ku adkeysaneyso inaysan u ogolaan doonin inuu baxo.

Da ‘yarka ayaa dhawaan yiri: “Ujeedkeyga shaqsiyadeed waa inaan noqdo daafac sare labo ama seddex sano gudahood, sida Virgil van Dijk.”

Ma noqon doonto mid fiican, laakiin Rudiger ayaa soo bandhigi kara muddo gaaban wax tar haddii Liverpool ay awoodi karto inay amaah kula soo wareegto bisha Janaayo.

Taam ahaanshaha Gomez iyo Matip ayaa walaac ku abuuri doonta Klopp, kaasoo ugu yaraan ku dari kara kooxdiisa Rudiger.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Jarmalka ayaa leh khibrad heer sare ah, inkasta oo ay jiraan calaamado su’aal laga qabo awoodiisa kadib xilli ciyaareedkii hore.

Uma ciyaarayo Chelsea xilligan, wuxuu ku guuldareystay inuu baxo suuqii xagaaga.

Sidoo kale Klopp wuxuu heystaa 23-sano jirka Nat Phillips, kaasoo amaah ugu ciyaaray kooxda Bundesliga ee Stuttgart xilli ciyaareedkii hore, iyo sidoo kale uu kasoo muuqday kulankii FA Cup oo ay Liverpool ka badiyeen Everton.

Haddiise uu si fiican u soo bandhigo waxqabadkiisa xiliga tababaraka Klopp wuxuu gio,aansan karaa inuu ka dhigo bedelka Van Dijk.

Philipps maahan daafaca dhexe ee kaliya ee durba jooga Liverpool kaasoo ku qasbi kara tababaraha inuu ku biiro kooxdiisa koowaad.

Da ‘yarka Rhys Williams ayaa haddaba laba kulan ka soo muuqday Carabao Cup xilli ciyaareedkan ka dib sanad amaah ah oo uu ku qaatay kooxda Harriers.

19 jirkaan ayaa lagu abaalmariyay qandaraas waqti dheer ah bishii hore, isagoo soo jiitay indhaha Klopp.

Sepp van der Berg iyo Billy Koumetio ayaa labadoodaba kujira xerada Melwood, laakiin Williams ayaa haatan noqon kara mid la aqbali karo.

Daafaca Brighton ayaa diirada u saaran Liverpool iyadoo kooxda ay si xoogan u baadi goobeyso inta uu amaahda kula joogay Leeds.

Liverpool ayaa diirada saartay inay u dhaqaaqdo White xagaagan laakiin ugu danbeyntii waxaa iibsatay Brighton kuwaasoo doonaya inay sii heystaan ciyaryahanka.