Shariif Xasan” In ra’iisul Wasaare la’aan ah dalku ahaado wali ma dhicin”

Shariif Xasan Sheekh Aadan Madaxweynihii hore ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu waddo qordo jeex ah ku waddo xaaladda dalka, islamarkaana ay ka dhacayaan dhacdooyinka halis ah.

Shariif Xasan ayaa sheegay inĀ  dalka uu muddo ku dhow 60 maalmood uusan laheyn ra’iisul Wasaare xilli wali uu shaqeynaayo baarlamaanka iyo Madaxtooyadda.

Waxaa uu sidoo kale uu baadil ku tilmaamay dhammaan tilaabooyinkii ay qaaday xukuumadda KMG ah oo uu sheegay in ay baalmartay Sharciga uuna socdo boob.

Shariif Xasan ayaa xusay in ay nasiib daro weyn tahay in Madaxweynihii oo laga rabay in uu dhowro dastuurka in uu hareermaro.

Waxaa uu ugu baaqay Madaxweyne Farmaajo in uu Magacaabo Ra’iisul Wasaare,islamarkaana uu ka shaqeeyo in doorashada ay ku dhacdo waqtigii loogu tala galay.