Jubbaland oo faah faahisay howlgallo ay Ciidamooda fuliyeen

Ciidanka Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa la sheegay in todobvaadkaan ay weeraro qorshaysan ka fuliyeen degaano ka tirsan gobolka Jubbada Hoose,isla markaana ku dileen saraakiil ka tirsan Al-Shabaab.

Taliyaha Guud ee Ciidamada Janeraal Aadan Maxamuud Ibraahim (Koojaar) ayaa sheegay in hwolgallada laga sameeyay wadada isku xirta degaannada Janaay Cabdalla iyo Buulo-Gaduud, halkaasi oo marraka qaar ay weeraro ka fulin jireen Al-Shabaab.

Waxaa uu sheegya in howlgalladii ugu dambeeyay lagu burburiyay saldhigyo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab sidoo kalena lagu dilay Xubno iyo Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab waa sida uu hadalka u dhigay.

In kastoo saraakiisha Ciidamada Jubbaland ay todobaad walba sheegaan inay howlgallo qorsheysan ku dileen Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab ayaa hadana waxaa jira weeraro weli ka dhacaya degaannada Jubaland, iyada oo weerarkii ugu dambeeyay uu ka dhacay degaanka Baar Sanguuni.