Dhageyso:- Qoor Qoor oo ka hadlay dhaq dhaqaaqyo Shabaab ka bilaabeen degaannada Galmudug

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa ka hadlay dhaq dhaqaaqyo todobaadyadii la soo dhaafay ay Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ka bilaabeen degaano ka tirsan Gobolka Mudug.

Waxaa uu sheegay in Bulshada ku nool Gobolka Mudug gaar ahaan degaanka Bacaadweyne ay iska difaaceen xubno ka tirsan Al-Shabaab oo weerar kusoo qaaday,waxaana uu sheegay inay Galmudug ay diyaar u tahay inay dadkaasi garab istaagto.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) waxaa uu ugu baaqay guud ahaan Bulshada ku nool degaannada Galmudug inay u diyaar garoobaan dagaal ka dhan ah Ururka Al-Shabaab, isla markaana Ciidamada Galmudug ay dhankooda howlgalkaas bilaabi doono.