Maamulka Puntland ayaa ku eedeeyay maamulka Somaliland in uu Colaad hurin uu ka waddo degaanada maamulka Puntland, gaar ahaan gobolka Sool oo maalmihii lasoo dhaafay ay ka taagneyd Xiisad u dhaxeysay labadda maamul.
Dr Jaamac Faarax Xassan Wasiirka Caafimaadka Puntland ayaa Somaliland ku eedeeyay in ay ka dambaysay hurinta dagaal beeleedyo ka dhacay degaanno ka tirsan gobolka Sool gaar ahaan degaanka lagu Magacaabo Horufadhi.
Waxaa uu sheegay in Ciidamo ka tirsan maamulka Somaliland ay ku sugan yihiin goobta uu ka dhacay dagaal beleedka, islamarkaana ay diideen in laga hor istaagay in ay taggaan degaankaasi.
Wasiir Jaamac wuxuu sheegay, in marar kala duwan oo hore ay dhacday, in Somaliland isku dirtay beelaha deggan SSC, si ay wadajirkooda iyo midnimadooda u wiiqdo, dabadeedna u qabsado dhulkooda, iyadoo marmar siinyo ka dhiganaysa in Ciidamo la kala dhex dhigayo beelaha dagaallamay.
Ma jirto wax caddeyn oo ku saabsan hadalka Wasiirka ee ku aadan dagaallada ka dhacay Sool ku luglahaansha maamulka Somaliland, mana jirto wax war ah oo kasoo baxay maamulka oo looga hadlay hadalka Wasiirka Caafimaadka Puntland.



