Wasaaradda Caafimaadka oo shaacisay kiisas Cusub oo Coronavirus ah

Wasaaradda Caafimaadka xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa warbixinta maalinlaha ah ee xogta Feyruska Karoona ku sheegtay in 24-kii saac ee lasoo dhaafay la diiwaan geliyay 47 xaalado cusub oo COVID-19 ah, 1 bukaan uu geeriyooday halka 13 ruux oo kalana ay ka bogsoodeen.

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa sidoo kale caddeysay in xaaladaha cusub laga diiwaan geliyay Somaliland 28, Banaadir 9, Puntiland 5, iyo 5 Ruux oo Jubbalanad ah.

Bukaannada cusub 38 kamid waa rag 9-ka kalana waa haween. Tirada xaaladaha COVID-19 ee dalka laga diiwaan geliyay ayaa gaartay 2,023 xaaladood, 79 bukaan ayaa u geeriyooday cudurka, waxaana bogsootay 361 ruux.

Marwo Fowsiya Abiikar Nuur ayaa ku baaqday in dhammaan shacabka Soomaaliyeed ay qaataan talooyinka caafimaad ayna dhaqan geliyaan tillaabooyinka lagu xakameynayo COVID-19, si guul looga gaaro dadaallada sare loogu qaadayo bed-qabka bulshada.