Dowladda Soomaaliya oo War kasoo saartay dadkii lagu laayay degaanka Gololey

Dowladda Soomaaliya ayaa cambaareysay falkii foosha xumaa ee ka dhacay deegaanka Gololey ee gobolka Shabeelaha Dhexe, oo lagu laayay 8 ruux oo shacab ah.

War kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu Sheegay in Cadaaladda la horkeeni doono kuwii ka dambeeyay Xasuuqa Shacabka.

Dowladda ayaa sidoo kale amartay in kiiskaan baaritaan deg deg ah lagu sameeyo.

Dhalinyaradaan la dilay ayaa ahaa Shaqaalaha Xarun MCH oo ku taalla deegaanka Gololeey,isla markaana shalay rag hubeysan ay deegaankaas ka afduubteen,isla markaana maanta meydkooda laamiga deegaanka Gololeey la soo dhigay.

Dhalinyarada meydadkooda la soo dhigay deegaanka Gololeey ayaa waxaa kamid ah laba dhalinyaro ah oo Caanka ahaa degmada Balcad,kuwaas oo lagu kala Magacaabi jiray Cabdirisaaq Cabdullaahi Qobleey iyo Cumar Xuuti Filfil.