Taliyaha Ciidanka xooga oo kulamo ka wada Cabudwaaq

Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka jeneral Odawaa Yuusuf Raage oo ku sugan Caabudwaaq ayaa kormeer Ku gaaray Xerada Gaaska 11-aad , Guutada 35-aad oo ka mid aheyd Xeryihii Ilaalinta Xuduudka Soomaaliya iyo Itoobiya oo haatan dib u habeyn lagu wado si markale ay kaga mid noqoto xeryaha Ciidanka Xoogga Dalka .

Kormeerkan waxaa ku wehliyay Taliyaha Xoogga saraakiil ka tirsan qaybaha 21-aad iyo 27-aad ee xoogga dalka sida Genaral Saalax yacquub oo ah Abaanduulaha qaybta 27-aad iyo Gaashaane Aadan Siyaad Cabdi Abaanduulaha Qaybta 21-aad.

Xeradan oo dhismeheedu meel dhexe marayo ayuu Taliyaha Xoogga Ku amaaney saraakiisha Qaybta 21-aad iyo dadka reer Caabudwaaq juhdiga ay galiyeen dib u qaabeynteeda oo taliyuhu uu tilmaamey in ay faa’iido badan u yeelan doonto dib u dhiska Ciidanka Xoogga .