Real Madrid oo shuruud hor-dhigtey Man United

Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa inay ku wargalisay Manchester United inay Red Devils bixiso 500 milyan euro ah oo u dhiganta (£ 450m) haddii ay doonayaan xagaagan inay la soo wareegaan Federico Valverde.

21 jirka ayaa qaab ciyaareed fiican ku soo bandhigay Los Blancos intii lagu jiray xilli ciyaareedkaan 2019-20, isagoo gacan ka geystay labo gool isla markaana afar caawin sameeyay tartamada oo dhan.

Sida laga soo xigtay Diario, United ayaa xiiseyneysa saxiixa xiddiga heerka caalami ee dalka Uruguay laakiin waxaa loo sheegay inaan loo ogolaan doonin inuu ku baxo wax ka yar qiimaha heshiiska lagu burburin karo heshiiskisia oo ah 500 milyan euro (£ 450m).

Valverde ayaa kaga soo biiray Madrid kooxda Penarol bishii July 2016, isagoo markii hore u soo ciyaaray kooxda B.

Xiddiga qadka dhexe ayaa xilli ciyaareedkii 2017-18 amaah ugu ciyaaray Deportivo La Coruna ka hor inta uusan u dhaqaaqin kooxda koowaad ee Bernabeu, isagoo 25 kulan u saftay xilli ciyaareedkii 2018-19.

Qandaraaska Valverde ku joogo caasimada Spain wuxuu socon doonaa ilaa Juun 2025.