Dhageyso:-Xildhibaan laba Qodob ku Eedeeyay Madaxda Dowladda

Xildhibaan Guuleed Ceydaruus Cige oo ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamanka Soomaaliya ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya dhaqaalo farabadan uu kasoo galo Magalada Muqdisho,balse aan loogu adeegin sidii loo baahnaa.

Waxa uu sheegay in dadka ku nool Gobolka Banaadir lacaga qaado lacag Canshuur ah,hayeeshee taas bedelkeeda aysan aheyn kuwa madax bannaan oo heli kara waxaa ay u baahan yihiin,isla markaana dhaqaalihii laga qaaday si toos ah loogu gudbiyo Madaxtooyada Soomaaliya oo ay ku sugan yihiin Madaxda ugu sareysa dowladda Federaalka Soomaaliya.

Shacabka ku nool Magaalada Muqdisho ayuu ugu baaqay inay noqdaan kuwa iyaga aayahooda ka tashadaan,iyaga oo aan eegin danta Siyaasiga,balse ay sameystaan maamul u qabto waxyaabaha ay u baahan yihiin.

Dhinaca kale Xildhibaan Guuleed Ceydaruus Cige ayaa sheegay in Dowladda hadda jjirta aysan dalka waxba kusoo kordhin marka laga reebo wadooyin xiran iyo in shacabka iyo waliba Xildhibaannada aysan sidii ay doonaan wadooyinka Muqdisho u mari Karin.

Hadalka Xildhibaan Guuleed Ceydaruus oo ka tirsan Golaha Shacabka ayaa imaanaya xilli dadka ku nool Magalada Muqdisho laga qaado lacag farabadan,hayeeshee aysan ilaa iyo hadda muuqan waxyaabo loogu qabto,sida adeegyadii,caafimaadka Waxbarashada iyo adeegyo kale oo looga bartay doaladaha Hoose ee degmooyinka dalka.