Qabanqaabadda soo dhaweynta Kheyre oo ka socota Gaalkacyo

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo ku sugan Magaalada Dhuusamareeb ayaa lagu waddaa in maalinta Berri ah uu gaaro Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Mudug ayaa warbaahinta u xaqiijiyay tagitaanka Kheyre ee Magaalada Gaalkacyo, islamarkaana uu bulshadda halkaasi kunool kala hadli doono sidii loo dhameyn lahaa Khilaafka maamulka Galmudug.

Qabanqaabadda soo dhaweynta ayaa ka socota Magaalada Gaalkacyo, waxaana gaaray Wafdi horudhac u ah.

Kheyre ayaa la kulmi doono Odayaasha dhaqanka Magaalada Gaalkacyo, islamarkaana u sharaxi doona Wajiga cusub ee Galmudug, maadaama dowladda Soomaaliya ay la wareegtay dib u heshiisiinta iyo doorashadda Galmudug.