Shaqsiyaad ka tirsan Shabaab oo gacanta lagu dhigay

Howlgal qorsheysan oo Ciidamada ammaanka ay ka fuliyeen magaaladda Muqdisho 18-ka Bishaan ayaa waxa ay kusoo qabteen  labo ruux oo ka tirsan Al-Shabaab sidda ay baahisay Warbaahinta dowladda.

Mid kamid ah Labada ruux ee lasoo qabtay ayaa Al-Shabaab u qaabilsan dilalka Qorsheysan, waxaana uu ka qeyb qaatay, islamarkaana uu fududeeyey Seddex Qarax oo ka dhacay magaaladda Muqdisho,kuwaasi oo lagu waxyeeleeyey dad Shacab ah oo aan waxba galabsan sidda Hay’addaha Ammaanka ay sheegeen.

Shaqsiga  labaad oo laga soo qabtay meel u dhow garoonka Diyaaradaha ee magaaladda Muqdisho ayaa isna sidoo kale Abaabulayey waxyaabo halis ku ah Nolosha Shacabka Soomaaliyeed iyo Nabad gelyada guud  ee dalka.

Ma jirto  waxyeelo ka dhalatay Howlgalka lagu qabtay Raggaan ka tirsan Al-Shabaab sidda Baahisay Wakaaladda Wararka ee SONNA.