Jaaliyadda Canada oo ka hadlay go’aankii DF

Canada-RisaalaFM- Qaar ka mid ah Soomaalida ku nool dalka Canada ayaa ka hor yimid go’aanka dowladda Soomaaliya ay ku garab istaagtay Sacuudiga, khilaafka kala dhaxeeya dalka Canada.

Isku dhaca labada dal ayaa yimid kadib markii Canada ay u jeedisay Sacuudiga sii deynta Rayf Badawi iyo Samar Badawi oo ah walaalo u xiran Sacuudiga, taasi oo ka careysiisay dowladda Sacuudiga.

War qoraal ah oo ka soo baxay Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in Soomaaliya ay garab taagan tahay Sacuudiga, islamarkaana ay ka soo horjeedo in fara gelin lagu sameeyo arrimaheeda gudaha.

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Canada ayaa waxa ay sheegeen in dowladda Soomaaliya ay ku deg degtay taageerada dalka Sacuudiga, waxayna tilmaameen in ay muhiim aheyd in dhex dhexaad ay ka qaadato si la mid ah khilaafkii khaliijka.

Sidoo kale jaaliyadda Canada ayaa waxa ay sheegeen in dowladda Soomaaliya ay ku habooneyd inay eegto danaha dadkeeda kahor go’aan qaadashada, maadaama Canada ay ka mid tahay dalalka ugu badan ee soo dhaweeyay Soomaalida, islamarkaana ay ku leeyihiin siyaasiyiin uu ka mid yahay Wasiirka Socdaalka, Jinsiyadaha iyo arrimaha qaxootiga.

Wasiiro ka tirsan xukuumadda oo uu ka mid yahay Wasiirka aarimaha dibadda Axmned Ciise Cawad oo warqada taageerada ay ka soo baxday xafiiskiisa ayaa waxa ay heystaan dhalashada dalka Canada.