Taliyaha ciidanka booliska gobalka Nugaal Cabdiraxmaan Xaaji Abshir ayaa sheegay howlgal ay ciidanku ka fuliyeen guri ku yaala caasimadda Garowe waxa ay ku soo qabteen rag lala xiriirinayo Al-Shabab oo tiradoodu gaarayso 15-qof.
Hadalkan ayuu sheegay xilli uu la hadlayay warbaahinta Puntland waxaana uu sidoo kale tilmaamay in ciidanka ay la wareegeen gurigii ay ku dhuumanayeen maadama horay go’aan mamulka gobalka Nugaal uga soo saareen cidii lagu qabto Al-Shabaab ku dhuumanaya guryaha Garowe ay dowladdu la wareegayso.
Taliye Cabdiraxmaan Xaaji Abshir ayaa sheegay inay habeen iyo maalin u taagan yihiin ka shaqaynta amaanka, waxaana uu shacabka ugu baaqay inay nabad-galyada kala shaqeeyaan ciidamada amniga.
Cabdiraxmaan Xaaji Abshir ma uusan cadeyn raggan lasoo qabtay halka ay ka soo galeen magaalada Garowe, waxayna ku soo aadaysaa xilli howlgalo ay ka socdaan magaalooyinka.
Ururka Al-Shabab iyo ciidamada maamulka Puntland ayaa dhowaan waxa ay ku dagaalameen xeebaha Mudug iyo Nugaal.


