Antonio Conte ayaa doonaya inuu sii joogo Chelsea xilli ciyaareedka soo socda – waxaana uu durbaba qorsheynayaa xaalada suuqa xagaaga.
RAI Sport, ayaa ku warantay in macalinka Blues uu dhameystirayo qandaraaskiisa Chelsea, taasoo ka dhigan inuu sii hogaamin doono kooxda xili ciyaareed kale.
Conte ayaa sidoo kale qorsheynaya inuu xoojiyo ciyaartoydiisa daafaca, iyadoo daafaca Bayern Munich Juan Bernat uu isha ku hayo.
Chelsea ayaa ogolaatay in Marcos Alonso kusoo darto kooxda, laakiin labada koox ee Real Madrid iyo Barcelona ayaa ceyrsanaya daafaca Spain.
Iyadoo Emerson Palmeiri uu diyaar u yahay inuu bedelo Alonso, Conte ayaa Bernat u arkaya qorshe kale oo ku haboon shaxdiisa.



