KGS oo sheegtay in ay howlgal ku soo qabatay xubno Shabaab ka tirsan

Baay-RisaalaFM- Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa howlgal qorsheysan waxa ay ka fuliyeen inta u dhaxeysa degmooyinka Qansax-dheere iyo Bardaale.

Maamulka ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen Askar iyo Xubno sare oo ka tirsan Al-Shabaab.

Afhayeenka Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Nuuradiin Abuukar oo wareysi siiyay Idaacadda Risaala ee Muqdisho ayaa sheegay in howlgal saacado badan qaatay ay ku guuleysteen in ay gacanta ku soo dhigaan rag ka tirsan Al-Shabaab.

Waxa uu sheegay in xubnahan ay gacanta ku soo dhigeen ay yihiin kuwii dadka shacabka ah wadada u geli jiray oo dhaca u geysan jiray sida uu sheegay.

Sidoo kale Nuuradiin Abuukar Gacma ayaa waxa uu tilmaamay in ay xoojinayaan howlgalada Al-Shabaab ay kaga saarayaan degaanada ay kaga sugan yihiin gobolka Baay.