Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan oo Xildhibaannada furumaha jooga kala hadlay dardar gelinta dagaalka Al-Shabaab

Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan Cali Jeeyte Cismaan ayaa Xildhibaanada Barlamaanka Jamuuriyada fadaraalka Soomaaliya iyo xubno Ka’tirsan golaha wasiirada Dowlad Gobaleedka Hirshabelle ee ku sugan Jiidaha hore ee Dagaalka kala shiray sidii gargaar Dowladnimo loogu fidin lahaa Shacabka ku Nool deeganada laga saaray loona sii xoojin lahaa Dadaalada Howlagalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan Cali Jeeyte Cismaan ayaa masuuliyiinta la wadaagay Howl-maal-meedka shaqo ee Joogtada ah ayadoo  maanta laga arin-saday sidii loo wajahi lahaa in shacabka loo fidiyo gargaarka Biniadanimo maadaama Al-Shabaab ay ku burburiyeen dhamaan adeegyadii muhiimka u ahaa nolashii shacabka sida Ceelashii, guryahii, iyo soolaradii leerka dhalinayay ee cadceeda ku shaqeynayay.

Gudoomiye Cali Jeeyte Cismaan ayaa warbixin siiyey gudiga madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Hirshabelle mudane cali Guudlaawe Xuseen u xilsaaray Gurmadka deegaanada laga saaray Shabaab in lagaar siiyo gargaar Dowladnimo oo buuxa.

Sidoo kale gudoomiyaha Gobalka Hiiraan ayaa carabka ku adkeeyey sii xoojinta amaanka iyo ladagaalanka Al-shabaab si loo xakameeyo Amniga deeganada laga saaray dib’na loogu soo celiyo dhamaan adeegyadii Dadweyne ee muhiinka  Ahaa sida Ceelashii, guryahii, iyo isgaarsiintii oo hadda Dib shacabka loogu fasaxay iyo wax yaabaha Daruuriga ah Bulshada u bahaanyahiin .