Madaxweynaha iyo Raiisulwasaaraha oo ka shiray dhismaha xukuumadda

Ra’iisul Wasaare, Mudane Hamza Abdi Barre ayaa maanta la kulmay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hassan Sheikh Mohamud oo ka soo laabtay socdaal rasmi ah oo uu ku tagay dalka Masar.

Ra’iisul Wasaaraha oo kulamo wadatashi ah maalmahan la lahaa qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa waxa uu uga xog warramay Madaxweynaha halka ay marayso hawsha dhisitaanka xukuumad tayo leh oo ka jawaabta arrimaha mudnaanta u leh horumarinta bulshada Soomaaliyeed.

May be an image of 2 people and people sittingMay be an image of 1 person, sitting and indoorMay be an image of 2 people and people sittingMay be an image of 1 person, sitting and indoorMay be an image of 1 person, sitting and indoor