Saraakiisha & Ciidanka Amniga oo Muqdisho ka bilaabay howlgallo looga hortegayo Al-Shabaab

Saraakiisha iyo ciidamada amniga ee caasimadda Muqdisho ayaa bilaabay howlgallo looga hortegayo Al-Shabaab, waxaana saacadihii lasoo dhaafay suuqyada Muqdisho oo Bakaaro uu ugu horeeyo ka dhacay kulamo ay saraakishu la yeesheen ganacsatada.

Saraakiisha kulanka ka qeyb gashay ayaa sheegay in diiradda lagu saaray caqabadaha jira iyo dadaallada ay dowladdu ku doonayso in Ururka Al-Shabaab  meel looga soo wada jeesto.

Ganacsatada ayaa la wadaagay saraakiisha amniga Suuqa  iyo caqabadaha heysta oo kaa imaanaya dhinacyao kala duwan oo ka doonaya inay ka qaadaan lacago Canshuur ah.

Saraakiisha amniga ee dowladda Soomaaliya ayaa ganacsatada ka dalbaday inay lasoo wadaagaan tabaha Al-Shabaab ay ku doonayaan inay lacagaha uga  ganacsatada iyo shacabka Muqdisho.

Sidoo kale saraakiishu waxay ka balan qaadeen ganacsatada Soomaaliyeed inay ku dadaali doonaan ilaalinta ammaankooda, har iyo habeena ay u taaganyihiin sidii Al-Shabaab looga saari lahaa guud ahaan dalka Soomaaliya.